Ra'isal wasaaraha Faransiiska: Xaaladda degdegga ah dalku wuu ku sii jirayaa

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Faransiiska Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Faransiiska

Ra'isal wasaaraha Fransiiska, Manuel Valls, ayaa BBC-da u sheegay in ay suurto gal tahay in la dheereeyo mudada dalku ku jirayo xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay ka dib weerradii argagixiso ee sannadkii hore lagu qaaday Paris.

Wuxuu ka hadlayey sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerradii ay geysteen mitidiin islaamiyiin ahi oo ay ku dhinteen 130 qof.

Mr. Valls ayaa sheegay in ololeyaasha doorashada soo foolka leh ay kallifayaan in dad badani fagaarayaasha iskugu soo baxaan oo loo baahanyahay in la qaado tallaabooyin "aanu ku ilaalinayno dimuqraadiyadayada".

Amarkan xaaladda degdegga ah ee dalka lagu soo rogay wuxuu booliska siinayaa awoodo dheeraad ah oo ay ku baadhi karaan guryaha isla markaana dadka ku soo rogi karaan xabsi guri.

Haseyeeshee baadhitaan dowladdu samaysay ayaa lagu ogaaday in xaaladda degdegga ah ee dalka lagu soo rogay ay "saamayn kooban" ku yeelatay adkaynta nabad gelyada.