Mid ka mid ah dhallinyarada waxaa lagu xukumay 35 sano
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamadda Minnesota oo mid ka mid ah dhallinyarada 35 ku xukuntay

Maxkamadda ayaa 35 sano ku xukuntay Guleed Cumar oo 22 jir ah, halka Abdirahman Daud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah lagu xukumay min 30 sano.

Saddexdani wiil ayaa beeniyay dambiga lagu eedeeyay, balse caddeymo iyo markhaatiyo ka dib ayay maxkamadda xukunkaasi ku ridday.

Guuleed ayaa noqonaya qofkii ugu xukunka dheeraa sagaal wiil oo Soomaali ah oo maalmahan xukunno kala duwan lagu riday. Hooyadii taagnida ayay ka dhacaday waxaana loola cararay Cisbitaalka.

Haddaba weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa la kulmay Farxiya Faarah Maxamed iyo Ayaan Faarah oo ah hooyooyinka dhalay wiilasha min 30-ka sano lagu xukumay, waxa uuna ku hormaray Ayaan Faarah oo uu weydiiyay dareenkeeda.

Mowduucyada la xiriira