Trump oo malaayiin dollar ku xaliyay kiisas maxkamadeed

Trump University Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Arday dhigan jirtay jaamacadda Trump ayaa sheegay in lacago badan looga qaatay kuliyad aan haysan warqadaha aqoonsiga

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ogolaaday in uu bixiyo 25 milyan oo dollar, si xal looga gaaro saddex kiis oo loo haysto, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee New York.

Waxaa kiisaska kusoo oogay arday dhigan jirtay jaamacadda Trump, kuwaasoo ku doodaya in tobanaan kun oo dollar looga qaatay isu diiwaangelinta kuliyad ka tirsan jaamacadaasi oo aan lahayn warqadaha aqoonsiga.

Dacwadan ayaa soo socotay lix sano, waxaana Mr Trump uu markasta ku doodayay in aanu magdhow siin doonin ardaydaasi.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in Mr Trump uu qirto in uu khalad galay, waxaana uu sidaa uga badbaadayaa waji-gabax uga iman lahaa xukun maxkamadeed.

Balse weriyayaasha ayaa sheegaya in uu dhiirigelin karo, in kiisas badan ay maxkamadaha Maraykanka ka furaan dad wax u qaba Trump.