Shil tareen oo dad badan ku dilay Hindiya

India Train Crash Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay.

Tareen kuwa dheereeya ah ayaa ku qallibmay waqooyiga dalka Hindiya waxaana shilkaasi ku dhintay dad ay tiradoodu ka badan tahay boqol qof, halka dhaawucana uu ka badan yahay 150 ruux.

Tareenka ayaa ka soo kici timay magaalada Indore ee bartamaha dalkaasi,wuxuuna ku sii jeeday Patna oo ku taalla bariga, waxaana uu khadka ka baxay mar uu marayay meel u dhaw magaalada Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee saaka.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka u soo saari lahaayeen.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, maadaama ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.

Wasiirka tareennada ee dalka Hindiya ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa dhaliyay shilkaasi.

Dowladda Hindiya ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso tareennada dalkaasi, waxaana tallaabadan ay ka fajacin doontaa dad badan.