Ciidanka Myanmar oo dagaal la galay falaago

Myanmar Army Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka ayaa waxaa ku barakacay dadkii deegaanka ku noolaa.

Milateriga dalka Myanmar ayaa dagaal culus la galay koox falaaga ah oo ku sugan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Shiinaha, waxaana dagaalkaasi ku barakacay dadka rayidka ah ee deegaanka ku noolaa.

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhintay dagaalkaasi, halka dhaawacana uu gaarayo tobanaan kale.

Ciidanka ayaa la dagaallamaya falaago la magac baxday Ta'ang National Liberation Army.

Laanta afka Burmese-ka ee BBC ayaa ku warramaysa in dagaalka uu bilowday ka dib markii falaagada ay weerartay saldhig boolis saacadihii hore ee saaka.