Doorashada mucaaradka Fransiiska oo soo idlaatay

Nicolas Sarkozy Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nicolas Sarkozy

Labo nin oo horay xilka Ra'isul wasaaraha kasoo qabatay dalka Faransiiska ayaa wareega labaad ku tartami doono si go'aan looga gaadho Musharaxa doorashada sanadka dambe ugu tartami doono xisbiga midigta dhexe.

Francois Fillon and Alain Juppé ayaa kala noqday Musharaxa kowaad iyo kan labaad ee doorashooinka xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweynihii hore ee dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy ayaa isagu na meesha ka baxay , kaddib markii uu noqday qofka sedexaad , waxaana uu ka mid ahaa Murashixiintii taageerada u fidiyay Mr Fillon si uu u soo galo wareega labaad ee codbixinta Axada dambe dhici doonto.

Balse waxaa hadda taageeradiisu korortay oo loolanka kula jira ra'iisal wasaarihii hore, Mr Francois Fillon. Musharaxa ku guuleysta doorashada xisbiga dhexdiisa ayaa la filayaa in xilka Madaxtinimada dalka Fransiiska kula tartamo hogaamiyaha midigta fog Marine Le Pen .