Dab ka kacay qeybo ka mid ah Israa’iil

Dabka Israa'iil Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kooxaha dab demiska ee Israa'iil ayaa sheegay in hadda ay xakameeyeen dab ka kacay agagaarka magaalada Haifa ee waqooyiga dalkaasi.

Kooxaha dab demiska ee Israa'iil ayaa sheegay in hadda ay xakameeyeen dab ka kacay agagaarka magaalada Haifa ee waqooyiga dalkaasi.

Ku dhawaad sideetan kun oo qof ayaa laga daadgureeyay meelaha uu dabka saameeyay.

Balse dabka ayaa weli ka holcaya dhowr deegaan oo ka tirsan Israa'iil, waxaana uu khatar ku hayaa guryaha ku yaalla afaafka magaalada Qudus.

Dabkaasi ayaa hadda galay maalintii saddexaad, waxaana demintiisa ka qeyb qaadanaya diyaarado dibedda kasoo gurmaday.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dab ka kacay qeybo ka mid ah Israa’iil

Kooxaha ka qeyb qaadanaya deminta dabkaasi waxaa ka mid ah kuwo Falastiiniyiin ah oo ka tegay Daanta Galbeed.

Dhowr qof ayaa loo qabtay tuhun ah in ay dabka kiciyeen.

Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Khamiistii sheegay in haddii dabka si ula kac ah loo huriyay, ayaa taasi ka dhigan tahay fal argagixiso.