Madaxweynaha Brazil oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Michel Temer Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Temer ayaa si toos ah loogu eedeeyay musuqmaasuq

Madaxweynaha Brazil, Michel Temer, ayaa lagu eedeeyay in uu wasiir ka tirsanaa xukuumadiisa, ku cadaadiyay ku kicidda fal musuqmaasuq ah.

Wasiirkii hore ee dhaqanka, Marcelo Calero, ayaa sheegay in Mr Temer uu weydiistay in uu wasiir kale ka caawiyo arrimo ganacsi gaar ah.

Mr Calero ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday, in uu aqbalo in guryo kuwa raaxada ah laga dhiso magaalada taariikhiga ah ee Salvador.

Marcelo Calero oo iscasilay todobaadkii hore ayaa horay u diiday qorshahaasi.

Madaxweyne Temer ayaa beeniyay eedeymaha musuqmaasuqa, balse waxa uu qiray in uu Mr Calero kala hadlay mashruucaasi.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa Brazil, balse waxa uu saddex wasiir ku waayay eedeymo wax isdaba marin ku aaddan.

Mr Temer ayaa madaxtinnimada dalkaasi la wareegay horaantii sanadkan, ka dib markii xilka laga qaaday Dilma Rousseff oo lagu eedeeyay in ay ka been sheegtay kobaca dhaqaale ee waddankaasi.