Erdogan oo u digay Midowga Yurub

Erdogan Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Erdogan ayaa u sheegay Midowga Yurub in uu soo deyn karo muhaajiriinta uu ka hayo.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga digay Midowga Yurub in uu xuduudihiisa u furi doono boqolaal kun oo muhaajirihiin ah.

Digniintaasi ayaa ka dambeysay markii uu baarlamaanka Yurub u codeeyay in la joojiyo wadahadalada ku aaddan xubinnimada Turkiga, maadaama sida uu sheegay ay xukuumadda dalkaasi awood xad dhaaf ah u adeegsaday dadka lagu tuhunsan yahay isku daygii afgembi ee July.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu ka baxay ballanqaadyo uu horay ugu sameeyay Turkiga.

Labada dhinac ayaa horay ugu heshiiyay in Ankara ay joojiso muhaajiriinta kasoo gudbeysa xuduudaheeda, taa bedelkeedana loo dedejin doono wadahadalada xubinnimada Midowga Yurub.

Heshiiskaasi ayaa aad hoos ugu dhigay tirada muhaajiriinta ee soo gaaraya waddamada Midowga Yurub.