Uganda: 55 dagaal ku dhimatay

Uganda: 55 dagaal ku dhimatay
Image caption Uganda: 55 dagaal ku dhimatay

Booliska Uganda ayaa sheegaya in 55 ruux ay sabtigii ku dhinteen dagaal ay la galeen koox isku dayeysa inay sameysato jamhuuriyad u gaar ah. Inta badan xasilloonidarrada ayaa ka dhacday xafiisyada boqor deegaanka ah. Boqorka ayaa la xiray sida uu sheegay Afhayeenka booliska Uganda.

Ciidamada Ammaanka Uganda ayaa la geeyay magaalada Kasese ee galbeedka dalka si ay uga hortagaan koox hubeysan oo dadka deegaanka ay ugu yeeraan Kirumira Mutima.

Afhayeen u hadlay booliska Andrew Felix Kaweesi, ayaa sheegay in dagaalyahannada ay ahaayeen kuwa aad u tababaran oo qaabeysan, lamana oga inta ay la egtahay tiradooda. Wuxuu kaloo sheegay afhayeenka in qaar ka mid ah kooxda hubeysan ay isku qarinayaan qasriga Omusinga Charles Mumbere oo ah boqor deegaanka.

14 booliska ka tirsan iyo 41 loo maleynayo kuwa weerarka soo qaaday ayaa dagaalka ku dhintay oo dhacay shalay.

Xiisad ayaa ka dhextaagneyd dowladda iyo boqortooyo yar, halkaasi oo dadka ay u arkaan in laga tagay.

Boqorka ayaa lagu eedeeyay inuu kooxda taageerayo, kuwaasi oo doonaya inay ka dhistaan maamul cusub xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Boqorka oo eedahaasi beeniyay ayaa la xiray.