Dad badan oo cudurka Shubanka uu ku soo ritay Beledweyne
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad badan oo cudurka Shubanka uu ku soo ritay Beledweyne

Boqolaal qof ayaa la dhigay xarun gaar ah oo lagu daweeyo cudurka shubanka oo laga hirgaliyay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bishan aynu ku jirno ee November.

Muddadaa bisha ah, waxa cudurka u dhintay ilaa sedex qof sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee gobolka.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa taleefanka Beledweyne kula hadlay isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Hiiraan Dr Axmed Maxamad Khaliif, wuxuna weydiiyay bal inuu ka waramo xaaladda cudurka shubanka.

Mowduucyada la xiriira