Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib u dhacday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib u dhacday

Magaalada Muqdisho gudiga federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa ku dhaawaqay, in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha oo lagu balansanaa bishan aynu ku jirno soddonkeeda.

Gudiga oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahiyay sababta dib u dhacaasi keentay iyo halka ay marayso doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo shirkaasi jaraa'id warbixintan ka soo diray.

Mowduucyada la xiriira