Wiilal Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiilal Soomaali ah oo lagu dilay dalka Sweden

Dalka Sweden waxaa xalay lagu dilay labo wiil oo walaalo ahaa, waxaana arrintaasi ay walaac badan ku abuurtay Soomaaldia halkaa deggan.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Stockholm, gaar ahaanna xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby.

Dilka labadan wiil ee walaalaha ah oo la kala oran jiray Zakariye iyo Feysal ayaa waxaa gaystay rag afka soo duubtay oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, sida ay sheegeen dadka halkaasi deggan.

Haddaba weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Bidhaan Xaaji Daahir ayaa qadka taleefoonka magaalada Stockholm kula xiriiray Cabdullaahi Cilmi Maxamed (Asad) oo ka mid ah Soomaalida deggan xaafadda uu dilka ka dhacay.