Falanqayn: Shirka dalalka Khaliijka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Shirka dalalka Khaliijka

Madaxda waddamada Khaliijka ayaa shir heerkiisu ballaaran yahay waxay ku leeyihiin dalka Baxrayn, waxaana shirkan looga arrinsanayaa arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha wadamadaas ka taagan.

Sidoo kale Ra'iisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa iyana la kulmaysa madaxda khaliijka.

Ajendaha shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah amaanka, argagixisada iyo xaaladaha colaadeed ee ka taagan waddamada Yemen, Suuriya, Ciraaq, iyo Falastiin.

Dowladda Sacuudiga ayaa abaabushay isu keenidda madaxda dalalka khaliijka.

Haddaba, waxaa la isweydiinayaa maxaa hadda baraarujiyay dowladahan khaliijka?

Dr Sacad Sheekh Cismaan oo ka faallooda arrimaha islaamka iyo Bariga Dhexe ayaan ka waraysannay.