Britain oo eedeysay Sacuudiga

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Boris Johson ayaa dowladda Sacuudiga ku eedeeyey colaadda ay ku lug leedahay ee dalka Yemen.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Boris Johson

Sida uu qoray wargayska the Guardian Mr Johnson ayaa dawladaha Sacuudiga iyo Iran ku dhaleeceeyey colaadaha ay ka hurinayaan wadanka Yemen.

Balse afhayeen wasaarada arrimaha dibadda ee Britain u hadlay ayaa sheegay in sacuudigu uu yahay saaxiib weyn oo Britain ay leedahay.