UNICEF: 25% caruurta aduunka ayaa ku nool xaaladdo qalafsan

Hay'adda dhalaanka Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in afar marka loo qaybiyo meel ahaan dadka da'ada yar ee aduunka ay ku nool yihiin wadammo ay la dageen colaad, rabshaddo iyo masiibooyin dabiici ah.

UNICEF waxay farta ku fiiqday in badi caruutaas dhibaatadu saamaysay ay ku nool yihiin dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, isla markaana aanay haysan badbaado ku filan, nafaqo, daryeel caafimaad iyo waxbarasho.

Laakiin hay'addu waxay sheegtay in tan iyo 1990, caruurta ku dhimanaysa da'da shan sano ka hor ay kala barnoqotay, Tirokoobyada qiyaasta ayaa qayb ka ah baaritaan ku lug leh dal kasta, UNICEF ayaa qaylo dhaan bani'aadamnimo soo saartay.