Qarax tareen oo Bulgaria ku dilay 4 qof

Dhismooyin badan ayaa waxaa waxyeeleeyay qaraxa Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dhismooyin badan ayaa waxaa waxyeeleeyay qaraxa

Afar qof ayaa dhintay kaddib markii uu khadka ka baxay tareen kaddibna uu ku qarxay dalka Bulgaria, kooxaha gurmadka degdega ayaa sidaa sheegay.

Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale shilka ku dhaawacmay, iyadoo tareenku uu dhibaato gaarsiiyay ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal tuulada Hitrino.

Dadka halkaasi ku noolaa ayaa taxadar ahaan halkaasi looga daadgureeyay, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliska maxaliga.

"Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ka kacay dab. Ma filayno qarax labaad hasayeeshee dadkii ku noolaa tuulada waa laga daadgureeyay halkaasi. Ayuu yiri sarkaalkaasi.