Tagaasida Uber iyo darawaliinta Soomaalida Nairobi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tagaasida Uber iyo darawaliinta Soomaalida Nairobi

Iyadoo bilooyin laga joogo markii dalkan Kenya ay soo gaartay Shirkadda Taxi-yada Caalamiga ah ee Ubber, markaa oo la bartilmaameedsaday darawaliinta shirkaddaasi la shaqeysay ayaa haatan waxaad moodaa in arrimahaasi ay meesha ka baxeen.

Darawaliinta ku shaqeysta nidaamkaasi casriga ah ee ku shaqeeya internetka ayaa waxaa markan ku biiray darawaliin Soomaali ah, si ay ula soo baxaan nolol maalmeedka reerahooda.

Waxaa ka mid ah Cabdulaahi Cali oo horay taxi-le u ahaa balse markan u wareegay shirkadda Ubber, waxa uuna u warramay weriyaha BBCda Xuseen Maxamed, oo marka hore waydiiyay inuu bal sharaxo Ubber waxa ay tahay?