Kenya oo 12 kun oo qof ka saareysa diiwaanka qaxootiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo 12 kun oo qof ka saareysa diiwaanka qaxootiga

Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe kaararka aqoonsiga lagu siinayo 12kun oo qof oo Kenyan ah, balse qaxootiga iska diiwaan geliyay.

Dadkaan ayey Kenya u diidday in ay helaan aqoonsiga kaddib markii farahooda la geliyey liiska ama diiwaanka qaxootiga.

Arrintan oo muddo laga doodayay waxa ay saameyn ku yeelatay dhallinyaro badan oo awoodi waayay inay waxbarashadooda sii wataan ama shaqo ay helaan.

Amnesty: Kenya waxay qasbaysaa qaxootiga

UNHCR iyo Kenya oo lagu dhaliilay celinta qaxootiga

Qorshaha cusub waxaa qeyb ka ah in dadkan laga saaro diiwaanka qaxootiga, si ay u helaan kibaandhaha.

Sababta ayaa ah in dowladda Kenya aysan u ogoleyn qaxootiga in ay qaataan kaararka aqoonsiga ee dalka.

Cabdulaahi xerada dhadhaab ayuu ku noolaa hadana waa xildhibaan

Dadka ugu badan ee arrintan ay saameysay waxay ku nool yihiin nawaaxiga xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, Xildhibaanka halkaasi laga soo doortay waa, Dr Maxamed daahiye ducaale, uu u warramay Bashkas Jug Soo Dhacay.

Mowduucyada la xiriira