Wareysi: Sidee xal loogu heli karaa colaadda Gaalkacyo?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Sidee xal loogu heli karaa colaadda Gaalkacyo?

Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo colaaddda soo noqnoqota ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Warbixintaas wuxuu machadku kaga faalooday sababaha keenay, kuwa sii hurinaya iyo siyaabaha loo xalin karo colaadaas.

Haddaba nuxurka warbixinta ay xambaarsan tahay si faahfaahin aan uga helno ayaan ka wareysannay Agaasime kuxigeenka machadka Mursal Maxamed Saney, Cismaan Cabdi Xasan oo BBC Soomaali ka tirsan ayaa waydiiyey ugu horreyn wax ka soo baxay daraasadda ay ku sameeyeen colaadda Gaalkacyo.