Golaha amaanka oo ansixiyay heshiiska Suuriya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay xabad joojintii ay ka soo shaqeeyeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga ee laga dhaqan galiyay Suuriya.

Waxaa sidoo kale ay taageereen golaha in la sii wado geedi socodka siyaasadeed iyo wadahadalada mucaaradka iyo dowlada Suuriya.

Waxaa la qorsheeyey in wadahadalada la bilaabo bisha January ee sanadkan cusub ee 2017-ka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay

Sidoo kale golaha amaanka waxay qorsheeyeen in la saaro korjoogayaal ilaaliya xabad joojinta hadda la gaaray.

Colaada dalka Suuriya oo mudo sanado ah soo jiitamaysay ayaa hada u muuqata in ugu yaraan la dhameeyey dagaalkii Xalab ka socday.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa wada dhexdhexaadin iyo jawi cusub oo la isugu keenayo mucaaradka iyo dowladda.