Myanmar oo lagu eedeeyay xasuuqa Muslimiinta Dalkaasi

Milatariga myanmmar Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Milatariga myanmar

Maamulka Myanmar ayaa balanqaaday inuu tilaabo qaadi doono. Ka dib markii la baahiyay muuqaal muujinaya askari boolis ah oo garaacaya rag muslimiinta Rohinga ah.

Dowladdu waxay sheegtay in dhacdadaasi ay dhacday bishii November ayna ka dhacday gobolka Rakhine.

Maamulka Myanmar ayaa marar badan sheegay in booliska ay raacaan sharciga iyo qaanuunka.

Waxay dowladu diiday muuqaalo dhowr jeer la soo bandhigay oo muujinaya dadka muslimiinta ah oo si xun loo galayo.

Waxaa muuqaaladaasi horray loo soo bandhigay ay dowladdu ku sheegtay kuwo been abuur ah oo aan cadayn.

Muslimiinta dalkaasi Myanmar ayaa laga tiro badan yahay. Waxay la kulmaan tacadiyo uga imanayay dadka Buudiistaha ah.

Dilalka loo geysto muslimiinta ku dhaqan Myanmar ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey wadanka Malaysia.