Gadoodkii ciidanka Ivory Coast oo gaadhay caasimadda dalka

Dowladdu waxay ciidanka ugu baaqday in ay xeryaha ku noqdaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladdu waxay ciidanka ugu baaqday in ay xeryaha ku noqdaan

Gadood ciidan oo ka bilaabmay dalka Ivory Coast ayaa ku fiday xarunta ganacsiga ee Abidjan. Dhawaqa rasaas dhacaysa ayaa laga maqlay xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada.

Gadoodkani wuxu saacadihii horee Jimcihii ka bilaambay woqooyiga dalka. Waxa kale oo la sheegayaa in ay xalay rasaas ridayeen askar gadoodsan oo ku sugan magaalada Bouake, oo ah goobtii uu ka bilawday gadoodku iyo magaalooyinka kale ee Karhogo iyo Man.

Wasiirka gaashaan dhigga, Alain-Richard Donwahi, ayaa haatan kula shiraya magaalada Bouake askarta gadooday si uu ugala xaajoodo waxa ay dalbanayaan.

Dowladdu waxay sheegtay in kacdoonkan askartu ka dhashay gunooyin aan la bixin oo dib uga dhacay askarta, hase yeeshee askartan gadoodday ilaa haatan iyagu may shaacinin waxyaabaha ay dalbanayaan waxa ay yihiin.