Ciidanka Ciraaq oo magaalada Mosul badhkeed gacanta ku dhigay

Ciidamada Ciraaq waxay qabsadeen dhul ballaadhan ilaa intii ay bilaabeen dullaanka bishii Oktoobar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Ciraaq waxay qabsadeen dhul ballaadhan ilaa intii ay bilaabeen dullaanka bishii Oktoobar

Ciidamada Ciraaq oo isku dayeya in ay kooxda la baxday Dowladda Islaamka ka saaraan magaalada Mosul, ayaa sheegay in ay haatan dhawr boqol oo mitir u jiraan webiga Dajla ee kala qaybiya magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa mar la baad u suurtowday in ay ku siqaan dhanka bari ee magaalada Mosul dhawr todobaad oo is mari waa ahaa ka dib.

Saaka, ayaa waxay sheegeen in ay qabsadeen xaafad kale oo la yidhaa Al-Qufraan ka dib markii ay Jimcihii gacanta ku dhigeen degmada Al-Muthana.

Kooxda Daacish ayaa weli magaalada daanteeda galbeedka kaga taal webiga Dajla gacanta ku haya.