Reer Hargeysa oo ka cabanaya Qabow iyo dhaxan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Reer Hargeysa oo ka cabanaya Qabow iyo dhaxan ba`an

Qabow iyo dhaxan ay dadka ka gabbadaan haddaad ku ogeyd wadammada Reer Galbeedka, warkii hore war soo dhaaf oo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Hargeysa iyo galbeedka Somaliland ayuu ku habsaday qabow ba'an.

Dadka da'da ah ee halkaasi cimrooda ku qaatay ayaa waxa ay sheegayaan in tani ay u dhinnayd.

Haddaba weriyaha BBCda, Axmed saciid Cige, ayaa u kuurgalay qabowgan ku soo siyaasaday dadka magaalada isagoo la hadlay qaar ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, waxna uu ka weydiiyay dhaxanta iyo qabowga siday u dareemayaan, kaddibna warbixintan ayuu inooga soo diray.