Madaxweynah Ivory Coast oo sheegay inuu heshiis la gaadhay askartii gadoodday

Ciidamadda gadoodsan ee Ivory Coast Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamadda gadoodsan ee Ivory Coast

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay inuu heshiis lagu soo af-jarayo gadoodkii askarta la gaadhay ciidanka.

Mudane Ouattara wuxu yidhi cabashadii askarta ee ahayd in waxa laga qabto mushaharooyinka iyo duruufaha nololeed ee ay ku suganyihiin wax waa laga qabanayaa, iyagana wuxu ku tirtirsiyey in ay ku noqdaan xeryahooga.

Wasiirka gaashaan dhigga Ivory Coast, Alain-Richard Donwahi, oo ay askarta gadoodday qabsadeen ayaa isna la sii daayey.

Mudane Donwahi wuxu wada hadallo kaga qabyb galayey magaalada badhtamaha dalka ku taal ee Bouake oo Jimcihii gadoodku ka bilaabmay.

Ilaa haatan ma cadda in askarta gadoodsani aqbali doonaan heshiiska dawladda iyo in kale.