Qarax 11 qof ku dilay Baqdaad

Qaraxyada Baqdaad ka dhaca badankooda waxa sheegta kooxda Daacish Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaraxyada Baqdaad ka dhaca badankooda waxa sheegta kooxda Daacish

Qarax weyn ayaa gilgilay duleedka suuqa Jamiila oo ku dhaw degmada Al-Sadr ee caasimadda Ciraaq, Baqdaad.

Xogaha laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa tibaaxaya in baabuurkan bamka lagu soo rakibay qaraxiisa ay ku dhinteen 11 qof, sidoo kalena ay ku dhawaacmaan ugu yaraan 25 qof oo kale oo isugu jira rayid iyo booliis.

Wararku waxay intaa ku darayaan in baabuurku ku qarxay halka laga galo Culwa Jamiila oo ah suuq lagu iibiyo khudradda.

Maalmihii u dambeeyey magaalada Baqdaad waxa ka dhacay qaraxyo is daba joog ahaa oo tobanaan qof oo rayid ah galaaftay.

Qaraxyadaa kuwo badan oo ka mid ahna waxa masuuliyadooda sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.