Ninkii dadka Florida ku laayey oo dacwad lagu soo oogay

Ninka eedaysanaha ah, Eteban Santiago, waa askari ka soo dagaallamay Ciraaq
Image caption Ninka eedaysanaha ah, Eteban Santiago, waa askari ka soo dagaallamay Ciraaq

Saaraakiisha Maraykanka ayaa askari dalka uga soo dagaallamay dibadda oo lagu tuhunsanyahay inuu shan qof ku dilay Jimcihii madaarka Fort Lauderdale ee Florida ku soo oogay dacwad.

Esteban Santiago, hadii lagu helo eedaha lagu soo oogay ee ah dil badheedh ah iyo adeegsi hub, wuxu mudan doona ciqaab qudh gooyo ah.

Maamulka ayaa waxa hor yaalla su'aalo adag oo shacabku iska waydiinayaan waxa kallifay weerarkaa.

FBI-da ayaa qiratay in mar ay Santiago bishii November su'aalo ku waydiiyeen xaruntooda Alaska, loo diray dhakhtarka cudurrada dhimirka si loo ogaado sida uu yahay caafimaadkiisa maskaxeed.

Walaalkii oo la yidhaa Bryan ayaa isna doonaya in loo caddeeyo sababta wax looga qaban waayey xaaladdiisa hadiiba laga shakiyey in maankiisu aanu fayoobayn.

Booliska Alaska ayaa haatan sheegay in ay berigaa bastoolad laga qaaday ay u celyeen isla bishii November maadaama oo ay markaa ku qanacsanaayeen in aanu wax dambi ah gelin.

Ilaa haatan ma cadda in bastooladda uu ku laayey dadkii uu ku toogtay madaarku tahay tii boolisku u celiyeen iyo in kale.