Israel: Ra'isal wasaaraha oo la sheegay in cod sira laga hayo

Benjamin Netanyahu, Ra'isal wasaaraha Israel Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Benjamin Netanyahu, Ra'isal wasaaraha Israel

Ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa culays badani fuulay ka dib markii wargeys Israeli ahi ku waramay in boolisku hayaan cajalad codka mudane Netenyahu ku duuban yahay oo caddayn karta eedaha laaluush qaadashada ah ee loo haysto.

Mudane Netanyahu oo boolisku laba goor oo hore su'aalo ka waydiiyeen arrintan ayaa sheegay in aanay eedaymahani wax sal ah lahayn.

Wargeyska Haaretz, ayaa hase ahaatee, imika baahiyay war sheegaya in boolisku hayaan cajalad codka ku duubani yahay Netenyahu oo sida la sheegay la gorfaynaya nin ganacsade ah oo aan la magac dhebin arrimo labadoodaba dani ugu jirto. Haseyeeshee weli boolisku si rasmi ah umay sheegin in ay codkaa hayaan iyo in kale.