Senate-ka Maraykanka oo u codeeyay laalidda Obamacare

Jamhuuriga Maraykanka Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xisbiga Jamhuuriga ayaa mudnaanta koowaad siiyay sidii uu u laali lahaa Obamacare.

Golaha Senate-ka Maraykanka ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee uu meesha uga saarayo barnaamijka caafimaadka ee uu hirgeliyay madaxweyne Obama, kaasoo loo yaqaano Obamacare.

Xubnaha senate-ka ayaa saacado badan ka doodayay arrinkaasi, waxaana markii dambe ay u codeeyeen tallaabo lagu laalayo barnaamijkaasi, taasoo la filayo in maalmo gudahood la horgeeyo golaha wakiillada.

Waxaa la filayaa in go'aanka kama dambeysta ah ee meesha looga saarayo Obamacare uu Congress-ka Maraykanka gaari doono horaanta bisha soo socota.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa mudnaanta koowaad siiyay sidii uu u laali lahaa Obamacare, balse waxaa jira walaac ah in aanu hadda diyaar ahayn barnaamij lagu bedelayo.

Obamacare ayaa adeegga caafimaadka gaarsiiyay malaayiin shacabka Maraykanka ah oo aan horay u haysan, balse waxaa sare u kacayay kharashaadka ku baxa barnaamijkaasi.