Israa’iil oo askarteeda uga digtay “basaasidda” Xamaas

Israel IDF Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Askarta Israa'iil ayaa looga digay adeegsiga baraha internet-ka

Milateriga Israa'iil ayaa askartiisa uga baaqay in ay taxadaraan, ka dib markii sida uu sheegay uu ogaaday in mintidiin Falastiiniyiin ah ay basaasayaan telefoonnada gacanta ee askartaasi.

Sarkaal sare oo Israa'iil u qaabilsan sirdoonka ayaa sheegay in tobanaan askari lagu siray shukaansi baraha internet-ka ah oo ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan ururka Xamaas.

Milateriga Israa'iil ayaa baahiyay muuqaal kooban oo askarta uga digaya khatarta ay ku wajihi karaan baraha ay bulshada kuwada xiriirto.

Muuqaalka ayaa muujinaya askari barta Facebook ku bartay haweeney qurux badan, ka dibna ay u sheegeyso in uu soo degsado barnaamij telefoonka gacanta lagu shubto si ay ugu wada hadlaan.

Barnaamijka ayaa u muuqda mid aan shaqeyneyn, balse u sahlaya kooxaha macluumaadka dhaca in ay la wareegaan kaameraha iyo makarafoonka telefoonka lagu shubay.

Saraakiil sirdoon ah ayaa sheegay in khatartaasi ay ballaarneyd, balse aanay dhibaato weyn u geystay ciidanka Israa'iil.

Xamaas ayaan weli ka hadlin eedeymahaasi.