Dagaal ka qarxay magaalo ka taal Suuriya

Dagaalyahanada ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah oo ku sugan magaalo u dhaw xudduuda Suuriya uu la wadaago Turkiga. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dagaalyahanada ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah oo ku sugan magaalo u dhaw xudduuda Suuriya uu la wadaago Turkiga.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in ururka la magac baxay Dowladda Islaamiga ah uu weerrar hor leh ku ekeeyay deegaanada ay dowladda gacanta ku hayso ee magaalada bariga ku taal ee Deir El-Zour.

Kooxaha u ololeeyo arrimaha Suuriya ayaa sheegaya in ay iskudhacyo culus dhexmarayaan dagaalyahanada IS iyo ciidammada dowladda.

Waxa ay sheegeen in ugu yaraan halkaasi laga maqlay dhawaqa lix qarax oo waa weyn.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay bartilmaameedsanayaan goobaha ay ku sugan yihiin ururka la magac baxay Dowladda Islaamiga ah.

Kooxahan jihaadiga ah ayaa waxa ayba gacanta ku hayaan in ka badan kala bar magaalada Deir El-Zour, sidoo kalana waxa ay muddo ku dhaw laba sano go'doomin ku hayeen deegaanada ay dowladda gacanta ku hayso.

Sidoo kale waxa ay gacanta ku hayaan inta badan deegaanada ku xeeran magaaladaasi.