UNICEF oo ka dayrisay waxbarashada carruurta reer Suuriya ee Turkiga

colaadda Suuriya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Carruurta reer Suuriya ee Turkiga qaxootiga ku ah waxa haysata dhibaato dhanka waxbarashada ah.

Hay'ada carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in boqolkiiba afartan carruurta reer Suuriya ee Turkiga qaxootiga ku ah aysan haysan waxbarasho.

Dalka Turkiga ayaa ah dalka qaxootiga ugu badan ee reer Suuriya ay joogaan caalamka oo dhan.

UNICEF waxay sheegaysaa in Turkiga uu ku dadaalay waxbarshada carruurta, balse weli ay jiraan carruur boqolaal kun gaaraya oo khatar ugu jira in ay noqdaan jiil dhumay.

UNICEF sidoo kale waxay sheegaysaa in gudaha dalka Suuriya ay jiraan ilaa labo milyan oo qof oo aan haysan waxbarasho, qaarkoodna ay ku nool yihiin dhulka la go'doomiyay.