Joaquin El Chapo oo Mareykanka loo dhoofiyay

Ninka daroogada ka ganacsada ee lagu magacaabo Joaquin Guzman Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ninka daroogada ka ganacsada ee lagu magacaabo Joaquin Guzman

Ninka daroogada ka ganacsada ee lagu magacaabo Joaquin Guzman kuna magaca dheer El Chapo, ayaa loo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegtay dowladda Mexico.

Mr Guzman, oo laba jeer oo hore ka baxsaday xabsiyo aad loo ilaaliyo oo ku yaal dalka Mexico, ayaa la geeyay magaalada New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dhowr eedaymo oo ka dhan.

Sidoo kale ninkan ayaa waxaa loo doondoonayaa ka ganacsiga daroogada, abaabulka falal dambiyeed iyo in uu si sharci darra ah lacago ugu dhex dirayay gobollada California iyo Texas ee waddanka Mareykanka, halkaas oo laga yaabo in u wajaho dil.

Mr Guzma ayaa madax ka ahaa mid ka mid ah kooxaha dambiilayaasha ah ee ka dhisan gudaha waddanka Mexico, kooxdaasi oo lagu magacaabo Sinaloa Cartel, ayaa lagu eedeyay inay daroogo gayso waddanka Maraykanka.