Daacish oo dumisay dhismeyaal taariikhi ah oo Suuriya ku yaal

Meel ka mida goobaha taariikhiga ah ee Tadmur, Suuriya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Meel ka mida goobaha taariikhiga ah ee Tadmur, Suuriya

Mitidiin ka tirsan kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa dumiyey qayb ka mid ah masraxa qadiimka ah ee la dhisay xiligii Roomaaniyiinta oo ku yaal magalaada Tadmur ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen saraakiil hadashay.

Masraxan oo la dhisay qarnigii la baad wajahadiisa iyo taallada afar geeska ah ee la yidhaa Tetrapylon ayaa la dumiyey sida ay warbaahintu sheegay.

Kooxdan jihaad alooska ahi waxay dib u qabsadeen magaaladan hay'adda UNESCO u astaysay inay tahay goob taariikhdeedu dhaxal aadame tahay, bishii Diisambar oo ay ka qabsadeen ciidamada dowladda. Waxaanay magaalada haysteen muddo toban bilood ah oo ka soo bilaabantay bishii Maarij ee 2016.

Kooxdani waxay sidoo kale dumiyeen taalooyin kale oo taariikhi ah intaan ciidamada dowladda ee Ruushku taageerayaa guluf kaga saarin magaalada.