'Yaxya Jammeh oo aqbalay inuu xilka wareejiyo'

Madaxweyne yaxya Jammeh Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne yaxya Jammeh

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa sheegay in hogaamiyaha dalkaasi ka talinyay muddo badan, Yaxya Jammeh, uu aqbalay inuu xilka wareejiyo.

Bartiisa Twitter-ka ayuu ahdalkan soo dhigay madaxweyne Barrow.

Wadahadalladii Gambia oo fursad kale la siiyay

Adama Barrow oo Senegal sii joogi doona

Dhexdhexaadiyaal ka socdo galbeedka Afrika ayaa dhowr saacadood la qaatay Mr Jammeh si ay ugu qanciyaan inuu xilka banneeyo.

Ciidammada wadamada galbeedka Afrika ayaa hakiyey qorshohoodii militari inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.

Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar uun ka dib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow.

Waxaa lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

Jammeh ayaa diiday in uu xilka baneeyo kaddib doorashadii bishii disembar la qabtay ee looga adkaaday.