Wiilal yaryar oo maalintiina baalashlayaal ah habeenkiina wax ka barta mid ka mid ah iskuullada Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiilal yaryar oo maalintiina baalashlayaal ah habeenkiina wax ka barta mid ka mid ah iskuu

Dhageyste bal malee wiil yar oo ku jira da'da carruurta lagu geeyo iskuulada oo dan adduun ay ku qasabtay in maalinkastaa uu u kalaho suuqa halkii uu waxbarasho tegi lahaa.

Balse inuu suuqa tago aanay haddana ka hor istaagin hamiga waxbarashada.

Hagaag, magaalada Hargeysa ayaa bannaanka makhaayadaha shaaha laga cabo ayaa waxaa laugu arkaa dhalinyaro baalashlayaal ah oo kabaha u caseeya dadka macaasha u ah.

Haddaba baalashlayaashaasi qaarkood maalintii waa ay shaqeystaan, habeenkii ama galabtiina wax ay bartaan.

Sheekadan ayaa waxaa u kuurgalay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo la sheekaystay koox dhallinyaro baalashlayaal ah iyo dadkii ay u shaqeynayeen oo warbixintan ayuu ka soo diray duruufaha ku xeeran dedaalka dhallinyaradaasi.