Nin Nigerian ah oo 86 xaas guursaday oo dhintay

nin Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ninka dadka wacdiyi jiray oo Muslim ah oo guursaday ugu yaraan 86 dumar ah ayaa geeriyooday isaga oo 93 jir ah.

Maxamed Bello Abubakar ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla bartamaha Nigeria, ka dib markii uu ku dhacay xannuun aan la shaacinin.

Dad badaan ayaa ka soo qaybgaley aaskiisa oo Axaddii dhacay.

Wargeyska Daily Trust newspaper ayaa ku warramay in 86 haween ah ay ahaayeen tirada xaasaska ee uu guursaday sanadku markuu ahaa2008dii markaas oo warbaahin badan ay wax ka qortay - laakiin ay tirada xaasaska uu guursaday ay hadda Maraysay 130.

Wargeysku wuxuu sheegay in qaar ka mid ah xaasaskiisu ay hadda uur leeyihiin.

Caruurta ninkan ayaa 170 ahaa sida BBC ay ku daabacday warbixin ay samaysay sanadkii 2008dii, laakiin wargayskan ayaa sheegay in uu hadda adduunka kaga tagay 203 ruux oo uu dhalay.