Marooko oo dib ugu soo laabatay Midawga Afrika

Dawladda Marooko ayaa dib ugu soo laabatay xubinimada Midawga Afrika ka dib muddo bilooyin ah oo ay ol'ole adag u gashay.

Marooko ayaa midawga isaga baxday sanadkii 1984tii ka dib markii uu ururku aqoonsaday xornimada Galbeedka Saxaraha oo Marooko ay u aragto in uu dhulkeeda ka mid yahay

Waxay ahayd dalka kali ah ee Afrika ku yaalla ee aan xubin ka ahayn Ururuka Midawga Afrika.

Madaxda Midawga Afrika ayaa gudoomiyenimada Midawga Afrika u doortay wasiirka arrimaha dibadda ee Chad, Moussa Faki Mahamat

Faki Mahamat wuxuu ka guulaystay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed.

Tartankan ayaa horay looga sii heshiin jiray inta uusan codkuba dhicin, laakiin midkan todobo wareeg ayaa lagu tartamay.

Nkosazana Dlamini-Zuma oo reer Koonfur Afrika ah ayaa lix bilood oo dheeri ah xilka sii haysayka dib markii ay hogaamiyeyaashu ku guuldaraysteen in ay murashax isku waafaqaan bishii todobaad ee sanadkii hore.