Musharrixiinta madaxtinniamada Soomaaliya  oo ka carooday baajinta dooda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Musharrixiinta madaxtinniamada Soomaaliya oo ka carooday baajinta dooda

Gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la joojiyay doodii loo qaban lahaa murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudigaasi Xildhibaan Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa ku sababeeyay sababta doodaas loo joojiyay inay ahayd iyadoo internet ka uu ka maqnaa magaalada Muqdisho oo dhan taasina ay saamixi weysay in toos talafishanka looga daawado.

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in haddii waqti kale loo qaban lahaa doodaasi ay saamayn ku keenayso jadwalkii doorashada ee ey horey u sameeyeen sidaa daraadeedna ay halkaas uga hareen.

Haddaba arintaasi waxa ku gacanseyray inta badan murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo galabta shir ku qabtay magaalada Muqdisho.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa markii uu shirkaasi soo dhamaaday waraystay Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo kamid ahaa murashaxiinta goobjooga ka ahaa shirkaasi.