Ra’iisul wasaarah Poland oo dhaawacantay

Beata Szydlo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisul wasaaraha Poland, Beata Szydlo

Ra'iisul wasaaraha Poland, Beata Szydlo, ayaa lagu dabiibayaa cisbitaal, ka dib markii gaari ay la socotay uu shil galay, sidaana uu dhaawac kusoo gaaray.

Gaarigeeda ayaa ku dhacay geed Jimcihii shalay ahaa, xilli kolonyo ay la socotay ay maraysay magaalada Oswiecim ee koonfurta dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay muddo kusii jiri doonto cisbitaalka, balse ay miyir qabto oo ay howlaheeda qaranka gudan karto.

Shilal gawaari ayaa dhawaan waxa ay ku dhaceen wasiirka difaaca iyo weliba madaxweynaha Poland, taasoo dhalisay in su'aal la geliyo ammaanka madaxda dalkaasi.