Madaxweynaha Nigeria oo Trump telefoon kula xidhiidhay

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Nigeria ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Nigeria iyo madaxweynaha dalka Maraykanka ay qadka telefoonka ku wada hadleen.

Warkan ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen arrimaha mileteriga iyo qalabka ay isticmaalaanba .

Wadahadalkan ayaa aha akii ugu horreeyey ee labada hogaamiye dhexmara iyadoo maalmahanba laga deyrinayay caafimaadka Buhari.

Dowladda Nigeria ayaa dagaal kula jirrta kooxda Boko haram oo deegaano badan dagaalo culus ka wada

Xafiiska Buhari ayaa laga sheegay in madaxweynuhu uu ladan yahay uuna joogo magaaladda London