Hanti dhawraha guud ee Soomaaliya oo cambaareeyay heshiiskii Berbera ee Imaaraadka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hanti dhawraha guud ee Soomaaliya oo cambaareeyay heshiiskii Berbera ee Imaaraadka

Hanti dhawraha guud ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhiga milatari looga dhisayo magaalada Berbera mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale Hanti dhawruhu wuxuu ku eedeeyay xubno ka tirsan dawladda waqtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya inay wax ka ogaayeen heshiiskaasi.

Haddaba faahfaahinta warkaasi waxa Muqdisho ka soo diray weriyaha BBC Ibrahim Maxamad Adan.