Israel: Danjire Govrin hore ugu noqon maayo Qaahira

Mudaharaaddadii ka dhacay safaaradda Israel horteeda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mudaharaaddadii ka dhacay safaaradda Israel horteeda

Maamulka Israel ayaa sheegay in danjirahooda Masar sii joogi doono Israel sababo cabsi nabad gelyo oo jira awgood ah.

Warbixin ay soo saartay laanta nabad sugidda gudaha ee Shin bet ayaa sheegtay in "sababo nabad gelyo oo jira awgood loo hakiyey in shaqaalaha wasaaradda arimaha dibaddu ku noqdaan Qaahira".

Warbixintu may sheegin goorta uu danjire David Govrin ku noqday Israel. Laakiin warar saxaafadu heshay ayaa tibaaxay in Govrin iyo kooxdii la shaqaynaysay ba aanay Qaahira u dhoofin tan iyo badhtamihii Diisember, sababtana waxa lagu sheegay in ay ka cabsi qabaan in dabley bartilmaameedsato.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, wasaaradda arimaha dibadda Israel way diiday in ay ka hadasho arrintan.

Danjire Govrin wuxu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey madaxweynaha Masar, Cabdelfattax Assisi bishii Ogost ee 2016.

Safaaradda Israel ku leedahay Qaahiri waxay shaqadeeda dib u bilowday sannadkii 2015 qiyaastii afar sanadood ka dib markii loo xidhay mudaharaaddo rabshada wata oo laga hor dhigay.

Xidhiidhka Masar iyo Israel wuxu mar labaad dib u hagaagay markii ciidanku casileen madaxweynihii Islaamiga ahaa ee Maxamed Mursi sannadkii 2013 oo mudaharaado dawladda lagu diinaa dhaceen.