Vitamin D “oo ka hortagi kara hergabka”

  • 16 Febraayo 2017
Vitamin D Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Vitamin D ayaa laga helaa ileyska cadceeda

Cunidda Vitamin D ayaa sanad kasta hergabka ka difaaci karta in ka badan 3 milyan oo qof oo ku nool UK, sida ay sheegeen cilmi baarayaal.

Vitaminkan qoraxda laga helo ayaa muhiim u ah caafimaadka lafaha, waxaana uu sidoo kale dowr ka qaataa habka difaaca jirka.

Warbixinta baaritaankan oo lagu daabacay British Medical Journal, ayaa ku baaqaysa in cunnada lagu daro vitaminka D.

Balse hay'adda caafimaadka dadweynaha England (PHE) ayaa sheegtay in macluumaadka ku aaddan caabuqa hergabka aan si dhamaystiran loogu soo bandhigin baaritaankan.

Cilmi baarista ayaa lagu soo bandhigay in cunidda Vitamin D ay ka waxtar badan tahay tallaalka hergabka.

PHE ayaa kula talisay dadka UK in ay xilliyada qabowga qaataan Vitamin D si ay u wanaagsanaadaan lafahooda iyo murqahooda.

Dadka aan inta badan cadceeda helin, sida kuwa aan guryaha kasoo bixin, ayaa lagula taliyay in sanadka oo dhan ay qaataan vitaminkaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan