Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada la wareegay

Somalia President
Image caption Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kusoo dhaweeyay madaxtooyada, halkaasi oo uu Farmaajo si rasmi ah howshiisa uga billaabi doono.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Madaxweyne Farmaajo oo u guuray madaxtooyada

Xafladda la kala wareegidda Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu casuumiyay warbaahinta qeybaheedda kale duwan, waxaana astaanta calanka ka tumay ciidanka bambeyda Soomaaliya.

Xafladda rasmiga ah ee caleema saarka ayaa Muqdisho ka dhici doonta 22-ka bisha, markaasi oo la filayo in ay kasoo qeyb galaan marti sharaf gobolka iyo caalamkaba ka socda.

Mudane Xasan Sheekh ayaa u guuray hooy looga diyaariyay gudaha Muqdisho.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Madaxweyne Farmaajo oo billadaha madaxtooyada yaalla la tusay

kadib markii ay soo gebagebowday xafladda xil wareejinta ayaa la sheegay in madaafiic ay ku dheceen meel ku dhow madaxtooyada.

Wararka waxay sheegayaan in ugu yaraan seddax qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda.

Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay deganaa hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa inuu billaabo hannaanka dhisidda xukuumad uu ay ugu horeyso soo xulidda Ra'iisul wasaaraha.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan