Haween ku dhintay duqeyn ka dhacday Yemen

Yemen Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Arhab

Sideed dumar ah iyo canug ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duqeyn xalay lala beegsaday deegaanka Arhab, oo uu aas ka dhacayay, una dhaw caasimadda Sanca.

Ugu yaraan 10 kale oo dumar ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen duqeyntaasi, sida ay sheegeen howlwadeennada caafimaadka ee deegaankaasi.

Afhayeen u hadlay fallaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeyn labaad lala beegsaday dad u gurmanayay kuwa dhaawacmay.

Fallaagada ayaa duqeyntaasi ku eedeeysay Maraykanka iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo, balse dhinacyadaasi ayaan weli ka hadlin.

Xulafadaasi ayaa tan iyo Maarso 2015 waxa ay dagaal kula jirtay fallaagada Xuutiyiinta iyo xooggag daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Ujeedadooda ayaa ah sidii ay caasimadda Sanca gacanta ugu gelin lahaayeen dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabbah Mansuur Haadi.

Colaadda Yemen ayaa waxaa ku dhintay in ka badan toban kun oo dad rayid ah, waxaana ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof.

Xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa xayiraad saartay dalkaasi, waxaana taasi ka dhashay xaalad bani'aadannimo oo 80% shacabka Yemen ka dhigtay kuwo u baahan gargaar.