Caymiska xoolaha oo looga hortago saameynta abaarta Kenya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caymiska xoolaha oo looga hortago saameynta abaarta Kenya

Abaarta ka jirta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhalisay in qaar ka mid ah shirkadaha caymiska ay billaabaan mashruuc ay dadka xoolo dhaqatada ah ku beegsanayaan, kaasoo lacago ay ka qaadaan xilliyada aaranka ah ay dib ugu celiyaan marka ay abaartu dhacdo.

Mashruucan oo ku salaysan nimaadka caymiska xoolaha, ayaa waxa la filayaa in uu dadka reer miyiga ah ee ka qeyb qaata uu waxtar u yeesho marka ay abaarta la liitaan.

Xasan Bashir, waa maamulaha shirkadda caymiska ee Takaful oo mashruucaasi ka hirgalisay deegaannada reer guuraaga.

Waxa uu u warramay weriyaha BBC Fardowsa Maxamed Cilmi.