Masiixiyiinta Masar oo ka qaxaya Sinai

Qaxooti badan oo kale oo Masiixiyiin ah ayaa la filayaa inay soo gaadhaan Ismaaciiliya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaxooti badan oo kale oo Masiixiyiin ah ayaa la filayaa inay soo gaadhaan Ismaaciiliya

Tobanaan qoys oo Masiixiyiinta Qibdiyiinta reer Masar ah, ayaa ka qaxay degmada woqooyiga Sinai ka dib markii dad doora oo masiixiyiin ah ay ku dileen todobaadyadii la soo dhaafay mitidiin loo malaynayo in ay islaamiyiin yihiini.

Qoysaskaa badankoodu waxay haatan magan galeen Kaniisadda weyn ee magaalada Ismaaciiliya ee ku taal gacanka Suez.

Weeraradaa waxa cambaareeyay hogaanka Kaniisadda Qibdiyiinta waxaanay ku tilmaameen in looga dan leeyahay in "lagu kala qaybiyo" bulshada Masar.

Axaddii, ayaa mitidiinta kooxda la baxday Dawladda Islaamku waxay baahiyeen video ugu hanjabayey Masiixiyiinta laga tirada badanyahay ee Masar in ay ku soo qaadi doonaan weeraro kale.

Sannadihii u dambeeyey ayay kooxaha Islaamiyiinta mayalka adagi weerarro la beegsanayeen Qibdiyiinta oo 10% ka ah bulshada Masar ee wadarteedu tahay 90 ka milyan.

Weerarrada ay miditiinta Islaamiyiinta ahi qaadayeen sannadahan u dambeeyay, ayaa waxay badankoodu ka dhacayeen jasiirad la moodda Sinai, halkaas oo ay ka dhaqdhaqaaqaan kooxaha Jihaad alooska ah ee xidhiidhka la leh Daacish. Hase ahaatee magaalo madaxda Qaahira qudheeda ayaa weerarro is dabo jooga oo kuwaa la mid ahi ka dhaceen labadii sannadood ee la soo dhaafay.