Maxaad ka taqanaa Dumarka  baambeyda ee milatariga Soomaaliya  ?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaad ka taqanaa Dumarka baambeyda ee milatariga Soomaaliya ?

Waxaa Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Kajira hablo Soomaaliyeed oo iyagu bartay sida loo garaaco amaba looga dhawaajiyo MuusigadaTurumbada , islamarkaan Ku Shaqeysta.

Hablahaan Garaaca muusiga-da Turumbada ayaa aad ugu yar gudaha wadanka Soomaaliya.

Saynab Cabdulaahi Cawil Iyo Maryan Cabdiqadir Cusmaan oo ah hooyooyin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa wax ay kamid yihiin koox garaacda Muusiga Bambeyda ee ciiddanka xooga dalka Soomaliya oo isugu Jira Rag Iyo Dumar.

Maxamed Cumar Baakaay ayaay ugu warameen magaalada Muqdisho, Saynab ayaana ugu horeyn ku bilaabaysa ka dhawaajinta Turumbada ay sidato.